Talaadadii, guddi ka tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Kansas City waxay dib u dhigeen xeer hoosaadyada meel dhigi lahaa $20 milyan si maareeyaha magaaladu u bilaabo heshiisyada uu la galayo Royals ee la xiriira garoonka cusub ee kooxda ee badhtamaha magaalada.

In kasta oo dib-u-dhacu jiro, duqa magaalada Quinton Lucas ayaa sheegay in magaaladu qorshaynayso inay horumar degdeg ah ka samayso garoonka lagu qiyaasay $1.9 bilyan.

Xildhibaan golaha deegaanka Johnathan Duncan wuxuu u malaynayaa inay jirto dadaal ula kac ah oo ay samaynayaan saraakiisha magaalada si ay si degdeg ah heshiis u galaan. Wuxuu u sheegay barnaamijka Up To Date ee KCUR inuu walaac ka qabo nooca heshiis ee uu u noqon doono canshuur-bixiyayaasha.

"(Shacabka Kansas City) waxay rabaan inay hubiyaan inaan helno heshiis wanaagsan marka aan horey u socono. Waxay rabaan inay sii haystaan Royals. Wallaahi, xitaa anigu waxaan rabaa inaan sii haysto Royals, laakiin waxaan rabaa inaan hubiyo inaan xaqiijinayno in magaaladeennu ay dhammaystiran tahay," ayuu yiri.

"Waxaan yeelan doonnaa arrimo amniga dadweynaha ah oo kordha. Weli waxaan haysannaa arrimo badan oo ku saabsan dadka hoy la'aanta ah oo u baahan in wax laga qabto, beerta Washington Square Park-na waxay xaqiiqdii ahayd xero ay degaan dadka hoy la'aanta ah muddo sannado ah. Haddaba, sideen u xaqiijinaynaa inaan haysanno dakhliga aan wax kaga qabanayno arrimahaas? Heshiiskani taas ma keenayo."